{"id":9080,"date":"2026-01-31T09:21:50","date_gmt":"2026-01-31T09:21:50","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=9080"},"modified":"2026-01-31T09:21:50","modified_gmt":"2026-01-31T09:21:50","slug":"in-ka-badan-100-qof-oo-ku-dhintay-burbur-ka-dhacay-goob-macdanta-laga-qodo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=9080","title":{"rendered":"In ka badan 100 qof oo ku dhintay burbur ka dhacay goob macdanta laga qodo"},"content":{"rendered":"<p><strong>Sabti 31 Jan 2026 {CBB}<\/strong> In ka badan laba boqol oo qof ayaa lasoo weriyay in ay ku dhinteen burbur ka dhacay goob macdanta laga qodo Arbacadii, kuna taalla bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo.<\/p>\n<p>Afhayeen u hadlay guddoomiyaha ay fallaagadu magacaabeen ee gobolka Waqooyiga Kivu, halkaas oo macdanta koltaan ee Rubaya ku taallo, ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jireen macdan-qodayaal, carruur iyo haween. Qaar ka mid ah dadkaas, ayuu sheegay in la badbaadiyay.<\/p>\n<p>Goobtan ayaa soo saarta qiyaastii shan iyo toban boqolkiiba koltanka adduunka, oo ah macdan muhiim u ah soo saarista taleefoonnada gacanta iyo qalabka kale ee elektaroonigga ah. Tan iyo 2024, goobtu waxay hoos imaanasay gacanta kooxda fallaagada ah ee M-23.<\/p>\n<p>(In ka badan hal milyan iyo shan boqol oo kun oo qof ayaa ka shaqeeya warshadaha macdan-qodista ee aan nidaamsanayn ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, halkaas oo shilalka dhimashada keena ay aad ugu badan yihiin.)<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sabti 31 Jan 2026 {CBB} In ka badan laba boqol oo qof ayaa lasoo weriyay in ay ku dhinteen burbur ka dhacay goob macdanta laga qodo Arbacadii, kuna taalla bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo. Afhayeen u hadlay guddoomiyaha ay fallaagadu magacaabeen ee gobolka Waqooyiga Kivu, halkaas oo macdanta koltaan ee Rubaya ku taallo, ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":9081,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27,1],"tags":[],"class_list":["post-9080","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9080","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=9080"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9080\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":9082,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9080\/revisions\/9082"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/9081"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=9080"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=9080"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=9080"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}