{"id":9479,"date":"2026-02-13T09:03:44","date_gmt":"2026-02-13T09:03:44","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=9479"},"modified":"2026-02-14T09:05:06","modified_gmt":"2026-02-14T09:05:06","slug":"rw-xamsa-oo-ka-qeyb-galay-munaasabad-lagu-soo-bandhigayay-guulihii-ay-soomaaliya-ka-soo-hooyisay-shirweynaha-cop30-oo-ka-dhacay-dalka-brazil","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=9479","title":{"rendered":"RW Xamsa oo ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay guulihii ay Soomaaliya ka soo hooyisay Shirweynaha COP30 oo ka dhacay dalka Brazil."},"content":{"rendered":"<p><strong>Jimco 13 Feb 2026 {CBB}<\/strong><strong>\u00a0<\/strong>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay guulihii iyo natiijooyinkii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo hooyisay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada Adduunka ee COP30 oo ka dhacay dalka Brazil.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-1599381228913023\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_3_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Munaasabaddan, ayaa lagu soo bandhigay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan dadaallada dowladda ee ku aaddan saameynta isbeddelka cimilada, mashaariicda dib-u-soo-kabashada deegaanka, qorshayaasha yaraynta fatahaadaha iyo fursadaha maalgelinta deegaanka.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa bogaadiyey doorka firfircoon ee wafdiga Soomaaliya ay ka qaateen doodaha caalamiga ah, isaga oo xusay in Soomaaliya ay markan dunida u gashay gorgortan dhab ah oo ku aaddan helitaanka Maalgelinta Cimilada (Climate Finance) iyo magdhowga khasaaraha ka dhasha Isbeddelka Cimilada ee ay sameeyaan dalalka horumaray.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay samaysay wasaarad gaar u ah arrimaha deegaanka si xal loogu helo saamaynta abaaraha iyo isbeddelka cimilladq, taasi oo ka tarjumaysa mudnaanta ay dowladda siisay arrimaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilladq.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-1599381228913023\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_4_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed xilligan qy wajahayaan abaar aad u adag oo loo baahanyahay in loo kaco sidii gurmad loo gaarsiin lahaa sidii xaaladda ba\u2019an ee ay ku jiraan bulshada Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Dowladda Soomaaliya waxa ay dadaal ugu jirtaa gurmadka dadka tabaalaysan iyada oo dowladdu ay samaysay Sanduuq dhaqaale lagu uruuriyo dhaqaalah loo qorsheeyay gurmadka abaaraha, iyada oo Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, uu la kulmay safiirrada dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya, isla markaana ugu baaqay madaxda dalalka iyo hey\u2019adaha caalamiga in ay gacan ka gaystaan arrimaha taagan.<\/p>\n<p>Ugu dambayn, Ra\u2019iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay culimadq, ganacsada iyo samafalayaasha Soomaaliyeed in ay ka qeyb-qaataan sidii ay dadka Soomaaliyeed ee duruufaha qalafsan ku jira loo gaarsiin lahaa gurmad iyo taakulo.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Jimco 13 Feb 2026 {CBB}\u00a0Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay guulihii iyo natiijooyinkii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo hooyisay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada Adduunka ee COP30 oo ka dhacay dalka Brazil. Munaasabaddan, ayaa lagu soo bandhigay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan dadaallada dowladda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":9480,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-9479","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9479","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=9479"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9479\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":9481,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9479\/revisions\/9481"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/9480"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=9479"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=9479"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=9479"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}