{"id":9488,"date":"2026-02-13T09:09:14","date_gmt":"2026-02-13T09:09:14","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=9488"},"modified":"2026-02-14T09:10:33","modified_gmt":"2026-02-14T09:10:33","slug":"guudmarka-khudbadda-madaxwayne-xasan-sheekh-ee-shir-madaxeedka-labaad-ee-afrika-iyo-talyaaniga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=9488","title":{"rendered":"Guudmarka Khudbadda Madaxwayne Xasan Sheekh ee Shir Madaxeedka Labaad ee Afrika iyo Talyaaniga."},"content":{"rendered":"<p><strong>Jimco 13 Feb 2026 {CBB}<\/strong>\u00a0Laba sano ka hor magaalada Roma, Shir-madaxeedkii ugu horreeyay ee Talyaaniga iyo Afrika waxaa lagu guddoomiyay in laga gudbo hannaanka iskaashiga soojireenka ahaa, lana yagleelo iskaashi ku saleysan arrimaha hortabinta u leh Afrika iyo in Afrika ay iyadu go\u2019aamiso masiirkeeda.<\/p>\n<p>Marka laga ambaqaado aragtideenna, iskaashiga Talyaaniga iyo Afrika waxa uu jidaynayaa ahmiyadda ay leedahay maalgelinta kaabayaasha halbowlaha ah ee horseedaya xasillooni iyo koboc dhaqaale oo waara.<\/p>\n<p>Waxyaabaha hortabinta u leh Soomaaliya waa kuwo cad: xoojinta gegsiga bulshada, inaan dhallinyaradeenna u abuurno fursado shaqo, helitaanka cunto bulshada ku filan, iyo inaan dhaqaalaheenna ku xirno suuqyada heer gobol iyo heer caalami.<\/p>\n<p>Horumarka ay Afrika ku tallaabsanayso waa inay saldhig u tahay ilaalinta gobonnimada, midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee dalalka, si waafaqsan mabaadii\u2019da Axdiyada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-1599381228913023\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_3_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Mabaadii\u2019dani ma aha kuwo la tiigsado oo kali ah; waa waajibaad sharci ah oo go\u2019aaminaya badqabkeenna. Tallaabooyinka ay sida goonida ah Israa\u2019iil ugu beegsatay madaxbannaanideenna waxay si toos ah u wiiqayaan nidaamka caalamiga, waana inaan si adag isaga diidnaa.<\/p>\n<p>Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika inay iska diidaan nooc kasta oo faragelin dibadeed oo wiiqaysa sharciga caalamiga ah, xasaradna ka abuuraysa gobolka, isla markaana dhaawacaysa kalsoonida u dhaxaysa wadammada.<\/p>\n<p>Maadaama nabadda iyo horumarku aysan kala harin, Soomaaliya waxay ahmiyad gaar ah siinaysaa iskaashiga amniga ee u dhexeeya Talyaaniga iyo Afrika.<\/p>\n<p>Waxaan si gaar ah uga mahadnaqaynaa taageerada Talyaaniga ee Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-1599381228913023\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_4_host\">\n<div class=\"google-aiuf\">\n<div class=\"google-anno-skip google-anno-sc\" tabindex=\"0\" role=\"link\" aria-label=\"Radio\" data-google-vignette=\"false\" data-google-interstitial=\"false\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay xoojiso iskaashiga kala dhexeeya Talyaaniga iyo dhammaan bahwadaagta qaybta ka ah Qorshaha Mattei, iyadoo qorshahaas lagu hagayo kalsooni, xilkasnimo, dan-wadaag iyo aragti mideysan oo ku wajahan Afrika oo barwaaqo ah.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Jimco 13 Feb 2026 {CBB}\u00a0Laba sano ka hor magaalada Roma, Shir-madaxeedkii ugu horreeyay ee Talyaaniga iyo Afrika waxaa lagu guddoomiyay in laga gudbo hannaanka iskaashiga soojireenka ahaa, lana yagleelo iskaashi ku saleysan arrimaha hortabinta u leh Afrika iyo in Afrika ay iyadu go\u2019aamiso masiirkeeda. Marka laga ambaqaado aragtideenna, iskaashiga Talyaaniga iyo Afrika waxa uu jidaynayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":9489,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-9488","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9488","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=9488"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9488\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":9490,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9488\/revisions\/9490"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/9489"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=9488"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=9488"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=9488"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}