{"id":9534,"date":"2026-02-16T08:19:27","date_gmt":"2026-02-16T08:19:27","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=9534"},"modified":"2026-02-16T08:19:27","modified_gmt":"2026-02-16T08:19:27","slug":"mahad-salaad-oo-damaanad-amni-u-fidiyay-deni-iyo-axmed-madoobe","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=9534","title":{"rendered":"Mahad Salaad oo damaanad amni u fidiyay Deni iyo Axmed Madoobe."},"content":{"rendered":"<p><strong>Isniin16 Feb 2026 {CBB}<\/strong>Taliyaha Hay\u2019adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa xalay kulamo siyaasadeed oo gaar gaar ah la yeeshay hoggaamiyeyaal sare, kuwaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga iyo wadahadallada siyaasadeed ee la filayo.<\/p>\n<p>Kulamada ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.<\/p>\n<p>Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in wadahadallada lagu falanqeeyay xaaladda amniga, xasilloonida siyaasadeed, iyo shirka la filayo inuu dhex maro Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, kaas oo loo arko mid muhiim u ah dejinta xiisadaha siyaasadeed.<\/p>\n<p>Warar kale ayaa tilmaamaya in Agaasimaha NISA uu xalay tagay hotel ku yaalla xerada Xalane halkaas oo ay deggen yihiin madaxda Puntland iyo Jubbaland, isaga oo waday dadaallo lagu doonayo in lagu qanciyo inay ka qeybgalaan shir siyaasadeed muhiim ah.<\/p>\n<p>Mahad Salaad ayaa la sheegay inuu dammaanad amni u fidiyay labada hoggaamiye si ay u tagaan Villa Soomaaliya, halkaas oo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku adkeysanayo in lagu qabto shirka u dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo Golaha Mustaqbalka.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\">\n<p>Dadaalladan dhexdhexaadinta ah ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan khilaafaad siyaasadeed iyo walaac ku saabsan goobta shirka iyo dammaanadaha amniga, waxaana weli aan la ogeyn in Agaasimaha NISA uu ku guuleysan doono qancinta madaxda Puntland iyo Jubbaland si ay uga qeyb galaan shirka la qorsheynayo.<\/p>\n<div class=\"td-a-rec td-a-rec-id-content_bottom  tdi_63 td_block_template_1\">\n<div id=\"taboola-below-article-thumbnails\" class=\"trc_related_container tbl-feed-container render-late-effect tbl-feed-frame-DIVIDER\" data-feed-container-num=\"1\" data-feed-main-container-id=\"taboola-below-article-thumbnails\" data-parent-placement-name=\"Below Article Thumbnails\" data-pub-lang=\"en\">\n<div id=\"taboola-below-article-thumbnails-sca1\" class=\"trc_related_container tbl-trecs-container trc_spotlight_widget trc_elastic trc_elastic_above-the-feed-premium-card-fp-delta pad-down above-the-feed-placement\" data-card-index=\"1\" data-placement-name=\"Below Article Thumbnails | Injected 1\"><\/div>\n<div id=\"taboola-below-article-thumbnails-pl1\" class=\"tbl-feed-card trc_related_container tbl-trecs-container trc_spotlight_widget trc_elastic trc_elastic_thumbs-feed-01-delta\" data-card-index=\"1\" data-placement-name=\"Below Article Thumbnails | Card 1\">\n<div class=\"trc_rbox_container\">\n<div>\n<div id=\"trc_wrapper_2468072585\" class=\"trc_rbox thumbs-feed-01-delta trc-content-sponsored\">\n<div id=\"outer_2468072585\" class=\"trc_rbox_outer\">\n<div id=\"rbox-t2v\" class=\"trc_rbox_div trc_rbox_border_elm\">\n<div id=\"internal_trc_2468072585\">\n<div class=\"videoCube trc_spotlight_item origin-undefined photoItem thumbnail_top videoCube_1_child syndicatedItem trc-first-recommendation trc-spotlight-first-recommendation trc_excludable\" data-item-id=\"~~V1~~2830454768684763336~~wMt1SKvBnHMP5EqYXr0ci0yOOh9hL69ZvSRtw2BmjBAe79Ni-eBnd8iQ4KmvvX-QCoTT_IvWFG7RTbSa_z-XXttgrrjfTJOTJbLknqcoXZJYUozTIGC8YLCaOQ3cnvE3JmCd5demn28UG8fqnoca4RoTeIrt5sx_ydDi9n2STzGY_ofZkPm6W3xjE9889ZK0_8sDZ3KWtwDcaRiEtCOy39zIQs-x919GB6ze25yEsP5Yk6EkMpmvJX28D89VTn0xIs6ODofBSqltckRDU1yx0-WDR9QKDCQUaEFYUpGW4Nk\" data-item-title=\"She Was Everyone's Dream Girl In 90's, This Is Her Recently.\" data-item-thumb=\"https:\/\/cdn.taboola.com\/libtrc\/static\/thumbnails\/fb0d89c1e8f713df0343504a37f0c078.png\" data-item-syndicated=\"true\">\n<div class=\"thumbBlock_holder\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Isniin16 Feb 2026 {CBB}Taliyaha Hay\u2019adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa xalay kulamo siyaasadeed oo gaar gaar ah la yeeshay hoggaamiyeyaal sare, kuwaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga iyo wadahadallada siyaasadeed ee la filayo. Kulamada ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":9535,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-9534","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9534","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=9534"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9534\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":9536,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9534\/revisions\/9536"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/9535"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=9534"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=9534"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=9534"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}