{"id":9623,"date":"2026-02-18T08:39:24","date_gmt":"2026-02-18T08:39:24","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=9623"},"modified":"2026-02-18T08:39:24","modified_gmt":"2026-02-18T08:39:24","slug":"muxuu-yahay-gaariga-mw-turkiga-uu-u-haddiyeeyay-dhiggiisa-masar-raiisul-wasaaraha-itoobiya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=9623","title":{"rendered":"Muxuu yahay Gaariga MW Turkiga uu u haddiyeeyay Dhiggiisa Masar &#038; Ra\u2019iisul Wasaaraha Itoobiya?"},"content":{"rendered":"<p><strong>Arbaco 18 Feb 2026 {CBB}<\/strong>Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa Gaari nooca korontada ku shaqeeya oo dalkiisa lagu sameeyo looguna magac daray Togg guddoonsiiyay Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-Siisi 4tii Febaraayo sanadkaan 2026.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-107366\" src=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/Gaariga-Togg-ee-Sisi-la-siiyay.webp\" sizes=\"auto, (max-width: 700px) 100vw, 700px\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/Gaariga-Togg-ee-Sisi-la-siiyay.webp 700w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/Gaariga-Togg-ee-Sisi-la-siiyay-300x203.webp 300w\" alt=\"\" width=\"700\" height=\"473\" \/><\/p>\n<p>Isla Gaarigaas loogu magac daray Togg ayuu 17kii Febaraayo 2026 u haddiyeeyay Ra\u2019iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, tani waxaa lagu fasiray dhowr qodob sida in uu iib gaynayo waxsoosaarka dadkiisa iyo in uu abuurayo jawi siyaasadeed oo cusub.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-107365\" src=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/Togg-nooca-Abiy-la-siiyay.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 648px) 100vw, 648px\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/Togg-nooca-Abiy-la-siiyay.jpg 648w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/02\/Togg-nooca-Abiy-la-siiyay-300x295.jpg 300w\" alt=\"\" width=\"648\" height=\"638\" \/><\/p>\n<p>Erdogan waxaa muddooyinkii dambe safarrada dibadda ah u raacayay mas\u2019uuliyiin katirsan shirkadda Togg ee Gawaarida samaysa kuwaas oo marka uu wadahadalka soo dhammaado kaddib furaha ku wareejiyaya Madaxweynaha Turkiga isagana sii wareejiyo.<\/p>\n<p><strong>Gaariga Togg<\/strong>:<\/p>\n<p>Togg waa gaari ku shaqeeya Koronto, waxa uu magacaas ka yimid \u201cT\u00fcrkiye\u2019nin Otomobili Giri\u015fim Grubu\u201d oo haddii la fasiro Soomaali ahaan noqonaysa (Kooxda Hindisaha Gaariga Qaranka ee Turkiga) waxaana la aasaasay 25kii June sanadkii 2018.<\/p>\n<p>Muxuu Turkiga u kordhiyay Waxsoosaarkiisa dhinaca Teknoolajiyadda?<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-5485553666531996\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_2_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyay waday kordhinta waxsoosaarka dhinaca teknoolajiyadda, waxa uu ku guulaystay samaynta Diyaarado dagaal oo isugu jira kuwa ay raaci karaan ciidamo iyo kuwa duulliye la\u2019aanta ah, Taangiyo, Gaadiid iyo qalabka kale.<\/p>\n<p>Qorshaha Madaxweyne Erdogan waa in uu dalkiisa ka baratansiiyo Dalalka kale ee xubnaha kawada yihiin Gaashaanbuurta NATO isaga oo fursado waa wayn ka dhex helaya iskaashiga Waddamo kala duwan oo Caalamka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arbaco 18 Feb 2026 {CBB}Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa Gaari nooca korontada ku shaqeeya oo dalkiisa lagu sameeyo looguna magac daray Togg guddoonsiiyay Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-Siisi 4tii Febaraayo sanadkaan 2026. Isla Gaarigaas loogu magac daray Togg ayuu 17kii Febaraayo 2026 u haddiyeeyay Ra\u2019iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, tani waxaa lagu fasiray dhowr qodob [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":9624,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27,1],"tags":[],"class_list":["post-9623","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9623","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=9623"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9623\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":9626,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9623\/revisions\/9626"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/9624"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=9623"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=9623"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=9623"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}