{"id":9720,"date":"2026-02-24T09:00:25","date_gmt":"2026-02-24T09:00:25","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=9720"},"modified":"2026-02-24T09:00:25","modified_gmt":"2026-02-24T09:00:25","slug":"dds-oo-kuraas-yar-laga-siiyay-qoondada-kuraasta-baarlamaanka-itoobiya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=9720","title":{"rendered":"DDS oo kuraas yar laga siiyay qoondada Kuraasta Baarlamaanka Itoobiya"},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaado 24 Feb 2026 {CBB}<\/strong>Guddiga Doorashooyinka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay sida ay kuraasta Xildhibaannada Baarlamaanka heer Federaal u kala qaybsanayaan Ismaamullada uu ka kooban Dalkaas iyada oo tiro yar la siiyay Dowlad Deegaanka Soomaalida.<\/p>\n<p>Kuraasta ugu badan waxaa la siiyay Ismaamulka Oromada oo uu kasoo jeedo Ra\u2019iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali, halka Dhulka Dowlad Deegaanka Soomaalida oo ka wayn Tigree la siiyay kuraas ka badan DDS.<\/p>\n<p>Tirada guud ee Kuraasta Xildhibaannada Baarlamaanka Itoobiya ayaa ah 547, kuwaas oo ka kala imaanaya 14 Ismaamul oo guud ahaan Dalkaas ah, waxaa lagu kala badsaday saamiga iyada oo la sheegay in dano siyaasadeed ay ku lifaaqan tahay arrintaasi.<\/p>\n<p>Shaqada Baarlamaankaan oo metala Ismaamullada ku dhisan Nidaamka Federaalka Itoobiya ayaa ah ansixiyaan sharciyada, miisaaniyadda iyo magacaabista Ra\u2019iisul Wasaaraha waana tan keentay in uu Abiy Ahmed uu kuraasta u badiyo Qowmiyaddiisa.<\/p>\n<p><strong>Halkaan ka aqriso Ismaamullada ugu badan kuraasta Baarlamaanka<\/strong>:<\/p>\n<p>Deegaanka Oromada waxaa la siiyay 178 Kursi.<\/p>\n<p>Deegaanka Amxaarada waxaa la siiyay 138 Kursi<\/p>\n<p>Deegaanka Shucuubta Koofureed waxaa la siiyay 49 Kursi<\/p>\n<p>Ismaamulka Tigree waxaa la siiyay 38 kursi<\/p>\n<p>Deegaanka Bartamaha Itoobiya waxaala siiyay 35 Kursi.<\/p>\n<p>Dowlad Deegaanka Soomaalida waxaa la siiyay 23 Kursi<\/p>\n<p>Ismaamulka Addis Ababa waxaa la siiyay 23 kursi.<\/p>\n<p>Dhacdadaan ayaa aad looga hadal hayaa Gudaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxaa weli aamusan mas\u2019uuliyiinta Dowlad-Deegaankaas iyada oo looga fadhiyo in ay war kasoo saaraan sababta kuraasta Xildhibaannada loogu yareeyay.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaado 24 Feb 2026 {CBB}Guddiga Doorashooyinka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay sida ay kuraasta Xildhibaannada Baarlamaanka heer Federaal u kala qaybsanayaan Ismaamullada uu ka kooban Dalkaas iyada oo tiro yar la siiyay Dowlad Deegaanka Soomaalida. Kuraasta ugu badan waxaa la siiyay Ismaamulka Oromada oo uu kasoo jeedo Ra\u2019iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali, halka Dhulka Dowlad [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":9721,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-9720","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9720","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=9720"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9720\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":9722,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9720\/revisions\/9722"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/9721"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=9720"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=9720"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=9720"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}