{"id":9782,"date":"2026-02-26T13:46:08","date_gmt":"2026-02-26T13:46:08","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=9782"},"modified":"2026-02-28T13:50:00","modified_gmt":"2026-02-28T13:50:00","slug":"maxeey-tahay-sababta-uu-madaxweynaha-jabuuti-u-diiday-in-uu-la-kulmo-madaxweyne-cirro","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=9782","title":{"rendered":"Maxeey tahay Sababta uu Madaxweynaha Jabuuti u diiday in uu la kulmo Madaxweyne Cirro.?"},"content":{"rendered":"<p><strong>Khamiis 26Feb 2026 {CBB}<\/strong>Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maqaal ku qoray Jeune Afrique isagoo cambaareeyay aqoonsiga ay Somaliland ka heshay Israa\u2019iil. Waxa uu ku sifeeyay arrintan sidan:<\/p>\n<p>\u201cUjeeddada Israa\u2019iil waa in ay ka faa\u2019iideysato dhulkan iyadoo wadata ujeedo aan nabad ahayn, waxaana la cabsi qabaa in maamulka Somaliland uu wax walba siin doono Netanyahu si uu u helo aqoonsigan.\u201d<\/p>\n<p>Markii wax laga waydiiyay saldhig militari oo ay Israa\u2019iil ka sameysan karto Berbera, Madaxweyne Geelle waxa uu ku jawaabay: \u201cTaasi waa waxa ugu weyn ee laga baqayo.\u201d<\/p>\n<p>Madaxweyne Geelle ayaa intaa ku daray \u201cImaaraadku waa hormuudka Israa\u2019iil ee gobolka, waxayna \u2018iibiyeen\u2019 aqoonsigan, taasoo keentay in Israa\u2019iil ay ka faa\u2019iideysato.<\/p>\n<p>.Imaaraadku waxay khilaaf ka abuuraan Yemen, Suudaan, Soomaaliya, Chad, Libya, iyo meel kasta oo ay ka hawlgalaan. Jabuuti waxay marwalba u dhowdahay Sacuudi Carabiya, oo xitaa waxa ay siisay saldhig militari.\u201d<\/p>\n<p>Sidoo kale, Madaxweyne Geelle ayaa ka hadlay xiriirka Jabuuti iyo Somaliland, gaar ahaan madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, isaga oo yiri:<\/p>\n<p>\u201cXiriirku waa qabow. Jabuuti ayaa diiday in ay la kulanto ama telefoon ka qabato Cabdiraxmaan Cirro.<\/p>\n<p>Xadka weli wuu furan yahay, balse duulimaadyadii hawada ee u dhexeeyay Jabuuti iyo Hargeysa waa la hakiyay.<\/p>\n<p>.Falsafada hoggaamiyeyaasha Somaliland muddo 34 sano ah waxaa lagu soo koobay hal war: \u2018Haba yaraatee agoonsi aan helno, xitaa haddii ay tahay mid shaydaan.\u2019 Looma baahna in la yiraahdo sidaas, gobolka iyo Soomaaliya in dhib loosoo jiido iskuma raacsana.\u201d<\/p>\n<p>Jabuuti ayaa ka mid ah dalalka si adag uga horyimid aqoonsiga ay Israa\u2019iil siisay Somaliland, taasoo ay ku tilmaamtay wax aan la aqbali karin oo ka hor imaanaya midnimada Soomaaliya, axdiga Midowga Afrika, iyo xeerarka caalamiga ah.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khamiis 26Feb 2026 {CBB}Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maqaal ku qoray Jeune Afrique isagoo cambaareeyay aqoonsiga ay Somaliland ka heshay Israa\u2019iil. Waxa uu ku sifeeyay arrintan sidan: \u201cUjeeddada Israa\u2019iil waa in ay ka faa\u2019iideysato dhulkan iyadoo wadata ujeedo aan nabad ahayn, waxaana la cabsi qabaa in maamulka Somaliland uu wax walba siin doono Netanyahu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":9783,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-9782","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9782","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=9782"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9782\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":9784,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9782\/revisions\/9784"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/9783"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=9782"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=9782"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=9782"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}