{"id":9932,"date":"2026-03-04T08:09:59","date_gmt":"2026-03-04T08:09:59","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=9932"},"modified":"2026-03-07T08:12:44","modified_gmt":"2026-03-07T08:12:44","slug":"waddamada-khaliijka-oo-arkay-ayagoo-dhexda-ka-taagan-safka-hore-ee-dagaalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=9932","title":{"rendered":"Waddamada Khaliijka Oo arkay ayagoo dhexda ka taagan safka hore ee dagaalka."},"content":{"rendered":"<p><strong>Arbaco 4 March 2026 {CBB}\u00a0<\/strong> Iiraan ayaa aargoosi kaga jawaabtay duqaymaha cirka ee Maraykanka iyo Israa\u2019iil iyadoo ku ridday boqollaal gantaallo ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka oo ay ku garaacday deriskeeda Carabta, waxaana aybar tilmaameedsatay saldhigyada millatariga Maraykanka ee gobolka iyo sidoo kale kaabayaasha rayidka iyo tamarta.<\/p>\n<p>Waxay bartilmaameedsanaysaa sawirka Khaliijka laga haysto oo ah goob bedqab leh, oo ku fiican socdaalka, dalxiiska iyo dhaqaalaha, sido kale waxay ku dhaqaaqday khalkhal gelinta warshadaha saliidda iyo gaasta dabiiciga ah.<\/p>\n<p>Dagaalkani waa mid aanay dawladaha Carabtu doonayn oo ay isku dayeen inay ka hortagaan. Su\u2019aashu waxay tahay in ay soo jiidan doonaan waxa ay ugu yeereen \u201ckhayaanada\u201d weerarrada Iiraan.<\/p>\n<p>\u201cDhammaan khadadka cas mar hore ayaa laga gudbay,\u201d ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Qatar Majed al Ansari oo shir jaraa\u2019id qabtay Talaadadii.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-1599381228913023\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfill-optimized\"><\/p>\n<div id=\"aswift_4_host\">\n<div class=\"google-aiuf\" data-google-ad-efd=\"true\">\n<div class=\"goog-rentries\">\n<div class=\"google-anno-skip goog-rentry\" tabindex=\"0\" role=\"link\" aria-label=\"Political analysis Somalia\" data-google-vignette=\"false\" data-google-interstitial=\"false\"><\/div>\n<div><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>\u201cWeerarada ka dhanka ah madax banaanideena waa kuwo joogto ah\u201d ayuu u sheegay suxufiyiinta.<\/p>\n<p>\u201cWaxaa jira weeraro lagu qaaday kaabayaasha dhaqaalaha, waxaa jira weeraro lagu qaadayo goobaha aan deganahay. Saamaynta weeraradaasna aad bay u caddahay, marka ay timaado aargoosi suurtagal ah, dhammaan xulashooyinka waxay hadda ag yaallaan hogaankeenna. Laakiin waa inaan si cad u sheegnaa in weerarrada noocan oo kale ah aysan noqon doonin wax aan laga jawaabin\u201d.<\/p>\n<p>Inta badan gantaalada Iiraan ayaa lagu qabtaa hawada guud ahaan gobolka, laakiin burburka soo dhacaya ayuu dab ka dhashaa kuwaasoo ay dad ku dhinteen. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee sida fudud uga gudbi kara difaacyada hawada ayaa inta badan sababa qasaaraha ugu yar balse sidaasoo ay tahay waxay abuuraan qalalaase carqaladeeya ganacsiga iyo socdaalka.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-1599381228913023\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_5_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Taasi waxay u muuqataa inay tahay istaraatiijiyada Iiraan si kor loogu qaado saamiga deriskeeda Carabta iyagoo rajeynaya inay kordhin doonaan cadaadiska Mareykanka si loo joojiyo dagaalka.<\/p>\n<p>Iiraan ayaa la rumeysan yahay inay ku dhufatay inta badan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha Imaaraadka Carabta oo ah xarunta ugu weyn ee ganacsiga iyo dalxiiska, sida laga soo xigtay Financial Times.<\/p>\n<p>Iiraan waxay hub ka dhigan kartaa warshadaha saliidda iyo gaaska muhiimka ah ee gobolka, ayadoo carqaladaynta ay samayso ay keeni karto mawjado naxdin leh oo la soo dersa dhaqaalaha adduunka.<\/p>\n<p>Taasi waxay sidoo kale ka dhigan tahay in Istaraatiijiyada Tehran ay dib u dhici karto. Iiraan waxa ay halis ugu jirtaa in ay ku riixdo dawladaha khaliijka in ay ku soo dhawaadaan Washington, xitaa in ay ku biiraan dagaalka.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-1599381228913023\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfill-optimized\"><\/p>\n<div id=\"aswift_6_host\">\n<div class=\"google-aiuf\" data-google-ad-efd=\"true\">\n<div class=\"goog-rentries\">\n<div class=\"google-anno-skip goog-rentry\" tabindex=\"0\" role=\"link\" aria-label=\"African current affairs books\" data-google-vignette=\"false\" data-google-interstitial=\"false\"><\/div>\n<div><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Taasi way isbedeli kartaa. Mar uun, waxa laga yaabaa inay go\u2019aansadaan inay ka qaybqaataan hawlgallada milatari.<\/p>\n<p>Laakin ma ah heerkaas mid ay weli gaareen. Hadda Carabtu waxay diiradda saarayaan difaaca. Laakiin wax badan ayaa ku xiran inta uu dagaalku socdo. Qaar baa ka caga jiidaya inay u muuqdaan inay Israa\u2019iil dhinac ka yihiin colaadda.<\/p>\n<p>Weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee Israa\u2019iil ku qaaday Qasa oo ay kaga jawaabayso weerarradii Xamaas ee Oktoobar 2023, iyo sidoo kale faragelinta milatari ee ay ku hayso waddamo ay ka mid yihiin Lubnaan iyo Suuriya ayaa sii xumaanaya xiriirka Carabta. Waxa ay aad uga caroodeen markii Israa\u2019iil ay sanadkii hore duqeysay Qatar oo ay isku dayday in ay ku disho hoggaanka Xamaas.<\/p>\n<p>Waxaa cad in weerarada Iiraan ay xoojiyeen midnimada wadamada Khaliijka.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-1599381228913023\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_7_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Lixda xubnood ee Golaha Iskaashiga Khaliijka \u2013 Sacuudiga, Kuwayt, Qatar, Baxreyn, Iimaaraadka iyo Cumaan ayaa kulan degdeg ah yeeshay Axaddii si ay u muujiyaan midnimada iyo ballan-qaadka \u201cinay qaadaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u difaacaan amnigooda iyo xasilloonidooda iyo si ay u ilaaliyaan dhulkooda, muwaadiniinta, iyo dadka deggan, oo ay ku jirto ikhtiyaarka ay u leeyihiin ka jawaabista gardarrada\u201d.<\/p>\n<p>La-taliyaha sare ee dublamaasiyadda ee madaxweynaha Imaaraatka Anwar Gargash ayaa ku booriyay Iiraan in caqligu u soo laabto.<\/p>\n<p>\u201cDagaalkaaga ma aha in aad ku qaaddo deriskaaga\u201d ayuu ku qoray qoraal uu soo dhigay barta X. \u201cdib ugu soo laabo agagaarkaaga oo deriskaaga kula macaamil caqli iyo mas\u2019uuliyad ka hor inta aan xayndaabka go\u2019doominta iyo sii darsashada aysan sii ballaaran\u201d.<\/p>\n<div class=\"sharedaddy sd-sharing-enabled\">\n<div class=\"robots-nocontent sd-block sd-social sd-social-icon-text sd-sharing\">\n<h3 class=\"sd-title\"><\/h3>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arbaco 4 March 2026 {CBB}\u00a0 Iiraan ayaa aargoosi kaga jawaabtay duqaymaha cirka ee Maraykanka iyo Israa\u2019iil iyadoo ku ridday boqollaal gantaallo ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka oo ay ku garaacday deriskeeda Carabta, waxaana aybar tilmaameedsatay saldhigyada millatariga Maraykanka ee gobolka iyo sidoo kale kaabayaasha rayidka iyo tamarta. Waxay bartilmaameedsanaysaa sawirka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":9931,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-9932","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9932","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=9932"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9932\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":9934,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9932\/revisions\/9934"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/9931"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=9932"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=9932"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=9932"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}