{"id":9969,"date":"2026-03-05T08:49:37","date_gmt":"2026-03-05T08:49:37","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=9969"},"modified":"2026-03-07T08:50:58","modified_gmt":"2026-03-07T08:50:58","slug":"golaha-wasiirrada-xfs-ayaa-maanta-yeeshay-kulankoodii-caadiga-ahaa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=9969","title":{"rendered":"Golaha Wasiirrada XFS ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa."},"content":{"rendered":"<p><strong>Khamiis 5 March 2026 {CBB}<\/strong>Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, kaas oo uu guddoomiyey Ra\u2019iisul Wasaaraha XFS, Xamsa Cabdi Barre. Kulanka ayaa looga hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin amniga dalka, howlgalada ka dhanka ah argagixisada, gurmadka abaaraha iyo casriyeynta adeegyada dowladda.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-1599381228913023\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfill-optimized\"><\/p>\n<div id=\"aswift_4_host\">\n<div class=\"google-aiuf\" data-google-ad-efd=\"true\">\n<div class=\"goog-rentries\">\n<div class=\"google-anno-skip goog-rentry\" tabindex=\"0\" role=\"link\" aria-label=\"Political analysis Somalia\" data-google-vignette=\"false\" data-google-interstitial=\"false\"><\/div>\n<div class=\"google-anno-skip goog-rentry\" tabindex=\"0\" role=\"link\" aria-label=\"International news analysis\" data-google-vignette=\"false\" data-google-interstitial=\"false\"><\/div>\n<div><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Golaha ayaa dood iyo falanqayn dheer ka dib, cod aqlabiyad ah ku ansixiyey todobo (7) heshiis oo caalami ah iyo hal (1) siyaasad qaran, kuwaas oo kala ah:<\/p>\n<p>Heshiis is-afgarad oo lala galay Pakistan oo ku saabsan ka dhaafista dal-ku-galka (Visa) Baasaboorka Diblumaasiga<br \/>\nHeshiis is-afgarad oo lala galay Ruushka, kaasi oo ku saabsan iskaashiga arrimaha caafimaadka.<br \/>\nHeshiis lala galay Spain ku saabsan wadatashiyada siyaasadeed.<br \/>\nHeshiiska hey\u2019adda Tamarta Atamka ee ka hortagga faafitaanka hubka niyuukleerka.<br \/>\nHeshiiska ka ganacsiga sharci darrada ah ee daawooyinka maanka dooriya (1988).<br \/>\nHeshiiska fududeynta socdaalka caalamiga ah ee gaadiidka badda (FAL 1965).<br \/>\nHeshiiska habraaca dib-u-eegista iskaashiga dalalka Afrika (APRM).<br \/>\nSiyaasadda mideysan ee maareynta wax-qabadka hay\u2019adaha dowladda.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-1599381228913023\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_5_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Ugu dambeyntii, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey in Safiirnimo loo dalacsiiyo labada mas\u2019uul ee kala ah: Aadan Isaaq Cali iyo Cabdifataax Sh Axmed Cabdimannaan, kuwaas oo ka mid noqon doona diblumaasiyiinta matalaya dalka.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyey guulaha laga gaaray amniga iyo dagaalka AS, isagoo faray wasaaradaha in la dardargeliyo adeeg bixinta shacabka.<\/p>\n<div class=\"sharedaddy sd-sharing-enabled\">\n<div class=\"robots-nocontent sd-block sd-social sd-social-icon-text sd-sharing\">\n<h3 class=\"sd-title\"><\/h3>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khamiis 5 March 2026 {CBB}Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, kaas oo uu guddoomiyey Ra\u2019iisul Wasaaraha XFS, Xamsa Cabdi Barre. Kulanka ayaa looga hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin amniga dalka, howlgalada ka dhanka ah argagixisada, gurmadka abaaraha iyo casriyeynta adeegyada dowladda. Golaha ayaa dood iyo falanqayn [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":9970,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-9969","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9969","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=9969"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9969\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":9971,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9969\/revisions\/9971"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/9970"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=9969"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=9969"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=9969"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}