{"id":9978,"date":"2026-03-06T08:57:44","date_gmt":"2026-03-06T08:57:44","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=9978"},"modified":"2026-03-07T09:00:05","modified_gmt":"2026-03-07T09:00:05","slug":"ciidamada-xooga-dalka-oo-lagu-amaanay-sida-ay-ugu-shaqeeyeen-shacabka-soomaaliyeed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=9978","title":{"rendered":"Ciidamada Xooga Dalka oo Lagu Amaanay sida ay ugu shaqeeyeen Shacabka Soomaaliyeed."},"content":{"rendered":"<p><strong>Jimco 6 March 2026 {CBB}<\/strong>Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi ayaa maanta la afuray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo ku bogaadiyay sida ay uga soo dhalaaleen gudashada waajibkooda ee sugidda amniga iyo sida ay u suurtageliyeen in shacabka Soomaaliyeed ku soomaan nabad iyo ammaan.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-1599381228913023\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_3_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyay ciidanka dadaalkooda iyo halgankooda joogtada ah ee lagu difaacayo qaranka, isaga oo faray inay sii wadaan dadaalkooda ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee caqabadda ku ah nabadda iyo xasilloonida guud ee dalka.<\/p>\n<p>\u201cDowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed waxay ogyihiin qiimihiinna, waxayna garanayaan duruufaha aad ku shaqeynaysaan. Waxay sidoo kale ogyihiin inaad hormuud u tihiin sugidda amniga. Taas ayaana u nimid inaan idiinka mahadcelinno,\u201d ayuu yiri Wasiir Fiqi.<\/p>\n<div class=\"google-anno-skip google-anno-sc\" tabindex=\"0\" role=\"link\" aria-label=\"Somalia travel guide\" data-google-vignette=\"false\" data-google-interstitial=\"false\"><\/div>\n<p>Wasiirku waxa uu sidoo kale sheegay in maanta ay ku beegan tahay maalinta 17-aad ee bisha Ramadaan, oo ah maalintii Ilaah ku kala saaray xaqa iyo baadilka, isaga oo caddeeyay in ciidamada qaranku ay ku jiraan jihaad xaq ah, isla markaana maalmihii la soo dhaafay lagu xoreeyay deegaannada Mubaarak iyo Daarusalaam ee gobolka Shabeellaha Hoose.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-1599381228913023\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_4_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas\u2019uuliyiin kale oo ka tirsan hay\u2019adaha amniga iyo qeybaha kale ee dowladda.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Jimco 6 March 2026 {CBB}Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi ayaa maanta la afuray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo ku bogaadiyay sida ay uga soo dhalaaleen gudashada waajibkooda ee sugidda amniga iyo sida ay u suurtageliyeen in shacabka Soomaaliyeed ku soomaan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":9979,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-9978","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9978","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=9978"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9978\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":9980,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9978\/revisions\/9980"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/9979"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=9978"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=9978"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=9978"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}