Talaado 24 March 2026 {CBB}Maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa ka digay in xaalad sii xumaanaysa oo ka taagan deegaankiisa ay halis u tahay in ay isu beddesho dagaal sokeeye iyo musiibo bani’aadamnimo oo baahsan.
War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in tallaabooyinka militari ee ay qaadday dowladda federaalka ay si toos ah u hurinayaan xiisad colaadeed, halkii laga xallin lahaa khilaafaadka siyaasadeed ee jira.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamadii ay tababareen Dowladaha Turkiga, Imaaraadka, UK iyo Mareykanka, loo adeegsaday howlgal aan diiradda saarayn la dagaalanka Al-Shabaab balse u janjeera arrimo siyaasadeed oo gudaha ah.
“Xaalad sii xumaanaysa oo ka jirta Koonfur Galbeed ayaa halis u ah inay isu beddesho dagaal sokeeye iyo musiibo bani’aadamnimo oo baahsan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay maamulka.
Maamulka Koonfur Galbeed wuxuu sidoo kale ku eedeeyay dowladda federaalka in ciidanka qaranka loo rogay awood ku saleysan qabiil, iyadoo la sheegay in ciidamo badan laga soo xulay beel gaar ah oo loo adeegsaday shacabka ku nool deegaannada Koonfur Galbeed, taas oo sare u qaadday cabsi laga qabo dagaal sokeeye.
War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in hub culus oo hore loogu talagalay dagaalka Al-Shabaab, oo ay bixisay dowladda Masar, lagu arkay dagaallada gudaha, xilli deegaanno badan oo ka tirsan Bakool iyo Shabeellaha Hoose ay weli gacanta ugu jiraan Al-Shabaab.
Waxaa sidoo kale lagu sheegay in xaaladda Baydhabo iyo magaalooyin kale ay gaartay heer halis ah, iyadoo la sheegay in dad rayid ah ay bilaabeen inay ka barakacaan guryahooda cabsi la xiriirta colaadda sii xoogeysanaysa.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa uga digay beesha caalamka in haddii aan si degdeg ah loo faragelin, ay xaaladdu isu beddeli karto masiibo bani’aadamnimo oo ballaaran, gaar ahaan maaddaama gobolka uu horeyba u saameeyay abaaro daba dheeraaday.
Ugu dambeyn, Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay tallaabo degdeg ah qaaddo si loo joojiyo colaadda, loona ilaaliyo shacabka, iyadoo la xusay in haddii aan wax laga qaban xaaladda, ay halis gelin karto xasilloonida guud ee Soomaaliya.


