Home WARARKA MAANTA DFS oo war ka soo saartay howlgallo ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose

DFS oo war ka soo saartay howlgallo ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose

0
1

Khamiis 26 March 2026 {CBB}Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya ciidamada dalka Uganda ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM, ayaa howlagallo ka dhan ah AS ka sameeyay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida lagu baahiyay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, ciidamada ayaa ka hortagey weerar ay AS doonayeen in ay ku soo qaadaan deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose.

In ka badan 40 xubnood oo ka tirsan AS ayaa la sheegay in howlgalkaasi ay sameeyeen Ciidanka Xoogga oo kaashanaya howlgalka AUSSOM.

Deegaanka Mubaarag ayaa ka mid ah goobihii istraatiijiga ahaa ee dhawaan laga saarey Xubno ka tirsan AS.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka

May be an image of text

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here