Jimco 27 March 2026 {CBB}Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Dadka deegaanka ee ayaa howlgallo ka dhan ah ‘AS’ kawada Koofurta Gobolka Mudug ee Dowlad-Goboleedka Galmudug si ay gacanta ugu dhigeen deegaanno ka maqan.
Sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan, ciidamadaan iskaashanaya oo xogtooda la qariyay ayaa maalmihii lasoo dhaafay gaaray deegaanno ay gacanta ku hayeen ‘AS’ iyaga oo billaabay in ay isku fidiyaan dhul horleh.
Wax ka baddelka lagu sameeyay Howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee Ciidamada Dowladda Federaalka ay ka wadaan Gobollada Dalka ayaa dardar ku socda iyada oo kaliya xogaha la faafinayo marka ay deegaan ama degmo si buuxda u qabsadaan.
Lama so warin khasaara ka dhashay howlgallada socda, waxaana meelaha qaar la sheegay in la maqlayay rasaas ay is dhaafsanayeen ciidamadaan iskaashanaya ee Dowladda Federaalka iyo kuwa Deegaanka oo dhinac ah & AS.







