
Axad 12 April 2026 {CBB}Wiilka Madaxweynaha Uganda ahna Taliyaha ciidamada dalkaas, Janaraal Muhoozi ayaa Bartiisa Xiriirka Bulshada ee X (Twitter) ka saaray dhammaan qoraallada uu uga hadlay Arrimaha Soomaaliya iyo Turkiga maalmihii lasoo dhaafay.
Qoraallada uu tirtiray Janaraal Muhoozi ayaa ahaa kuwo saamayn taban ku reebaya xiriirka Dalkiisa Uganda iyo Dalalka Soomaaliya iyo Turkiga isaga oo soo daabacay fariimo isugu jira abaal-sheegasho, Dhaliilid & go’aan adag qaadasho.
Dhigaalka badan ee Muhoozi ayay dad badan u fahmeen in bartiisa la jabsaday maadaama ereyada uu adeegsanayay aanay ka suuragalin qof miisaankaas siyaasadeed ku leh Uganda, markii dambe Xukuumadda Kampala ayaa sheegtay in uusan ka tarjumin janankaas.
Dadka qaar ayaa ku dooday in maalmaha todobaadka uu inta badan Janaraal Muhuuzi uu isticmaalo walxaha maanka dooriya oo suuragal ay tahay in ay ka keeneen qoraalladaas aan ka fiirsiga lahayn ee saamaynta taban dhalinaya.
Dowladda Uganda ayaa horay mar u joojisay koontooyinka Janankaan uu dhalay hoggaamiyaha ugu xilhaynta dheer dalkaas loona arko in uu Mustaqbalka kala wareegi doonno xilka Madaxweynaha dalkiisa inkasta oo dib loogu fasaxay.






