Sabtii 18 april 2026 {CBB}Falcelin togan ayaa ka timid dib u furista Marinka Hormuz oo muddo u xayirnaa colaadda Bariga Dhexe, waxaa soo dhaweeyay go’aankaas dhinacyo isugu jira Dowlado, Hay’ado iyo Ururro muhiim u ah adeegsiga marinkaas.
Dalalka Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka, Iiraan, Maraykanka, Qaramada Midoobay, hay’adda Bad mareennada Caalamiga ah, Guddi ay ku midaysan yihiin Maraakiibta Shidaalka ayaa soo dhaweeyay tallaabadaan cusub.
Waxa ay ku tilmaameen in ay tani tahay mid fududaynaysa isu gudubka Ganacsiga oo muddo xayirnaa isla markaana hoos u dhigaysa qiimaha Maciishadda iyo Shidaalka Adduunka oo dalal badan arrintaan saamayn taban ku reebtay.
Saacadaha soo socda waxaa lagu wadaa in uu hoos u dhaco qiimaha Shidaalka Adduunka, Dalal badan ayaa dhowaan ku dhawaaqay in uu ka go’ay shidaalka sidoo kalana aanay dibadda uga imaan Karin shidaal ay soo iibsadeen.







