Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Hoggaamiyaha KMG ah ee DGKGS oo Ka Qaybgalay Dhaarinta Wasiirka Cusub ee...

Sawiro;-Hoggaamiyaha KMG ah ee DGKGS oo Ka Qaybgalay Dhaarinta Wasiirka Cusub ee Beeraha iyo Waraabka.

0
1

Axad 19 April 2026 {CBB}Baydhabo, Abriil 19, 2026 — Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Gobaleedka  Koonfur Galbeed Soomaaliya (DKGS), Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu dhaarinayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Mudane Xasan Cabdi Maxamed.

Munaasabadda dhaarinta oo ka dhacday Aqalka Madaxtooyada ee Baydhabo ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaano, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed.

Intii uu socday munaasabadda, Hoggaamiyaha KMG ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa si rasmi ah u hambalyeeyay Wasiirka cusub, isaga oo ku booriyay in uu xoogga saaro dardargelinta howlaha muhiimka u ah Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, gaar ahaan horumarinta wax-soo-saarka beeraha iyo tayeynta nidaamka waraabka.

Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay Wasaaraddu u leedahay kobcinta dhaqaalaha, sugnaanta cuntada, iyo horumarinta nolosha bulshada ku dhaqan deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn, waxa uu Wasiirka cusub u rajeeyay guul iyo waxqabad muuqda inta uu xilka hayo.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here