Home WARARKA MAANTA DFS iyo Beesha Caalamka oo ka wadahadlay arrimaha amniga.

DFS iyo Beesha Caalamka oo ka wadahadlay arrimaha amniga.

3
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda  Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyay kulan laba geesood ah oo u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub ee Soomaaliya taageera.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga, dhammaystirka dastuurka dalka, doorashooyinka tooska ah ee ka socda dalka, iyo horumarka dhinaca dhaqaalaha iyo dib-u-habeynta dowladnimada.

Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dowlad-dhiska, horumarinta dhaqaalaha, iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here