Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, oo ka hadlayay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka, ayaa si adag uga hadlay bannaanbaxyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in abaabulka bannaanbaxan uusan ahayn mid u adeegaya danta guud, isagoo yiri, “Bannaanbaxa maanta waxa uu ahaa bannaanbax niyad samaan aan loo soo abaabulin, waxa uu ahaa Bannaanbax Soomaaliya in lagu carqaladeeyo, dowladda way ogalaatay.”
Isagoo sii hadlayay, Madaxweynuhu wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladdiisu ay dhowrayso xuquuqda dastuuriga ah ee shacabka, balse loo baahan yahay in loo hoggaansamo nidaamka.
Wuxuu caddeeyay in dowladdu aysan hor istaagayn dareenka dadweynaha, isagoo yiri, “Muwaadinka waa xor, bannaanbax in uu sameysto dowladda madiidana, dowladda waxa ay balanqaadaysaa in ay amnigiisa sugto muwaadinka.”
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sidoo kale shaki geliyay wakhtiga lagu soo beegay bannaanbaxa, isagoo xusay in ay layaab tahay in magaalada Muqdisho laga dhawaaqo mudaaharaad xilli ay dalka meelo kale oo ka mid ah ka dhacayso doorasho.
Wuxuu is-weydiiyay sababta keentay in maanta looga dhawaaqo bannaanbax, isagoo yiri, “Magaalada Muqdisho waxaa maanta looga dhawaaqay in uu Bannaanbax ka dhaco, ayada oo dalka meel ka mid ah ay ka dhacayso doorasho, maxaa maanta loogu soo aadiyay?”
Ugu dambayntii, Madaxweynaha ayaa ammaanay doorka ciidamada amniga ee u taagan difaaca dalka iyo ka hortagga isku-day kasta oo lagu carqaladeynayo xasilloonida.
Wuxuu si gaar ah u bogaadiyay ciidanka isagoo yiri, “Waxaan bogaadinayaa ciidanka dowladda ee ka hortagaya AS iyo kuwa dadka kalsoonida ka waayay ee doonaya in ay carqaladeeyaan doorashada.”







