Talaado 12 May 2026 {CBB}Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta XFS, Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa la kulmay mas’uuliyiin katirsan Dowladda Aljeeriya iyaga oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada Dal, Iskaashiga iyo qodobo kale.
Wafdiga Cali Xoosh waxaa qaabilay Maareeyaha Hay’adda Dukumiintiyada & Aqoonsiga Aljeeriya, waxaa kaddib la geeyay xarunka Hay’addaas iyo goobo kale sida lagu sheegay War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.
Xarunta Qaran ee Dukumiintiyada iyo Aqoonsiyada Amniga Sare waa meel lagala socda dhaqdhaaqa Dadka, Dowladda Aljeeriya ayaa ugu talagashay in macluumaadka muwaadiniintooda la socoto sida hadalka loo dhigay.
Wasiir Cali Xoosh iyo xubnaha la socda ayaa dhanka kale qiimaynaya sida ay u shaqeeyaan hay’adaha soosaara Baasaboorrada, Kaarka Aqoonsiga iyo Ruqsadaha sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta XFS.







