Home WARARKA MAANTA DG Jubbaland oo gacanta ku dhigtay Dhallinyaro Tahriib u socotay oo kasii...

DG Jubbaland oo gacanta ku dhigtay Dhallinyaro Tahriib u socotay oo kasii tallaabaysay Magaalada Dhoobley.

2
0

Jimco  29, May 2026 {CBB}Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay Dhallinyaro Tahriib u socotay oo kasii tallaabaysay Magaalada Dhoobley iyaga oo doonayay in ay sii galaan Kenya oo ugu dambayn sii gaari rabay Waddanka Liibiya ee Waqooyiga Afrika dhaca.

Taliska Booliiska Dhoobley ayaa sheegay in ay heleen xogta dhallinyaradaas oo ka safartay Magaalada Muqdisho sidaasina ay gacanta ugu dhigeen si ay uga baajiyaan tahriibka ay u socdeen iyo halista ku horgudban sida uu hadalka u dhigay.

Booliiska Dhoobley ayaa intaasi ku daray in ay gacanta ku hayaan Dad ay uga shakiyeen in ay kamid yihiin Shabakadaha fududeeya tahriibinta dhallinyarada kuwaas oo lacago badan ka qaata marka ay gacanta u geliyaan kooxaha ku sugan Liibiya.

Qaramada Midoobay ayaa dhowaan sheegtay in ay kordheen dhallinyarada tahriibaysa kuwaas oo dhibaatooyin xooggan kala kulma xabsiyada Liibiya halka kuwa ehelkoodu bixiya lacagaha laga dulsaaro ay dhibaato kale kala sii kulmaan Badda Mediterranean.

Baraha Bulshada waxaa horay loosoo geliyay muuqaallada qaar kamid ah Dhallinyarada Tahriibka u tagtay Liibiya oo jirdil xooggan loo geysanayo iyaga oo dadkaas ku cataabaya in ay ehelkooda ka bixiyaan lacagaha laga doonayo si ciqaabtaas looga daayo.

Dalal badan oo Soomaaliya ay ku jirto ayaa billaabay olole ballaaran oo looga hortagayo Tahriibka sii kordhay, dhowaan Dowladda Liibiya ayaa qaadday howlgallo lagu beegsanayo goobaha lagu hayo Tahriibayaasha si dalalkooda dib loogu celiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here