Home WARARKA CAALAMKA Kulka ku dhuftay Ingiriiska, Faransiiska & Wales oo sababay dhimashada 5,200 oo...

Kulka ku dhuftay Ingiriiska, Faransiiska & Wales oo sababay dhimashada 5,200 oo qof

1
0

Isniin 13 July 2026 {CBB}Hirarka Kulaylka ah ee ku dhuftay Ingiriiska & Wales Bilihii May iyo June ayaa sababay dhimashada 2,700 oo qof sida lagu sheegay daraasad cilmi-baaris ah oo uu soo saaray Xafiiska Saadaaasha Hawada ee Dalkaas.

Dadka ayaa la siiyay talooyin ku saabsan sidii ay uga feejignaan lahaayeen kulkaas si loo yareeyo halista dhimasho maadaama kulka uu kor u dhaafay 37.7°C waxaana meelaha qaar la fasaxay goobaha Waxbarashada, Shaqooyinka iyo meelaha kale ay dadka isugu tagaan.

Isbaddelka Cimillada meesha ugu sarraysa uu gaari jiray ayuu kulkaan kor u dhaafay 3 ilaa 4 darajo, waa tan keentay dhimashada Intaas la eg laga diiwaangeliyo Boqortooyada Ingiriiska iyo Wales sida warbixinnada lagu muujiyay.

Dhinaca Dalka Faransiiska ayaa laga sheegay in ay ku dhinteen 2,500 oo qof kuwaas oo u badan dad da’ ah iyo kuwa qaba xannuunada Wadnaha, tani waxa ay keentay in dadku raadsadaan goobaha qabowga laga heli karo.

Dalal badan oo Yurub ah waxaa kulka ka dhashay isbaddelka Cimillada uu ku sababay dhimasho iyo dab ka kacay dhulka kaymaha ah ee dhirtu ku badan tahay, waxaana qudheeda kasii dhashay khasaara horleh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here