Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed oo Dhagax Dhigay Masjid Weyn oo laga Dhisayo...

Sawiro;-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed oo Dhagax Dhigay Masjid Weyn oo laga Dhisayo Aqalka Madaxtooyada

1
0

Isniin 13 July 2026 {CBB}Baydhabo – 13 Juun, 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha masjid weyn oo laga hirgelinayo Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo.

Masjidkan cusub ayaa la filayaa inuu noqdo goob muhiim ah oo lagu gudan doono cibaadada, islamarkaana ay ka faa’iideysan doonaan madaxda dowladda, shaqaalaha Madaxtooyada iyo martida kala duwan ee booqata xarunta Madaxtooyada.

Dhismaha masjidkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Koonfur Galbeed ay ku horumarinayso kaabeyaasha Aqalka Madaxtooyada, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo kobcinta adeegyada bulshada iyo xoojinta qiyamka diinta Islaamka.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa sheegay in mashruucan uu muujinayo sida ay dowladdu uga go’an tahay dhiirrigelinta cibaadada, mideynta bulshada iyo dhismaha xarumo tayo leh oo u adeega shacabka.

Dhanka kale, Wasiirka magacaaban ee Wasaaradda Warfaafinta, ahna Wasiirkii hore ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Mudane Nuur Siidow Baaba, iyo Wasiirka cusub ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Mudane Aadan Macalin Cabdiraxmaan, ayaa si diirran u soo dhaweeyey hirgelinta mashruucan. Waxay sheegeen in masjidkan uu door muhiim ah ka qaadan doono xoojinta cibaadada, wacyigelinta bulshada iyo adkeynta midnimada bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here