Home WARARKA CAALAMKA Afhayeenka Iiraan: Marinka Hormuz waxaa keliya dib loogu furi karaa marka la...

Afhayeenka Iiraan: Marinka Hormuz waxaa keliya dib loogu furi karaa marka la ixtiraamo xuquuqda Shacabkeenna

1
0

Talaado 14 July 2026 {CBB}War goordhaw uu shaaciyay Afhayeenka Taliska Dhexe ee Khatam al-Anbiya, Ebrahim Zolfaghari ayaa lagu sheegay in marinka Hormuz keliya lagu furi karo marka la ixtiraamo xuquuqda Shacabka Dalkaas, waxaana uu meel fog ka istaagay hanjabaadda kasoo yeertay Maraykanka.

Afhayeenku waxa uu xusay in ay soo afjari doonnaan cagajuglaynta Maamulka Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump isaga oo hordhigay xujo ah in uu isku dayo awood weliba uu si qasab ah ku gudbin karo maraakiibta aan u hoggaansamin amarkooda.

Waxa uu tilmaamay in ay waajib ku tahay u aargudista madaxdooda, ciidankooda iyo dhammaan dadkii laga dilay oo uu ku sheegay in ay yihiin ‘Shuhadada’ si loosoo wado dhaxalkooda la dagaalanka cadawga.

Iiraan ayaa u muuqata in ay diyaar u tahay dagaal culus oo ay la gasho Maraykanka kaddib markii Madaxweyne Donald Trump uu saacadihii lasoo dhaafay ku hanjabay in uu go’doomin doonno dekedaha dalkaas oo ay kahor istaagi doonnaan Maraakiibta iyo Doomaha u socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here