Talaado 14 July 2026 {CBB}Baydhabo – 14 Juun, 2026: Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdinaasir Yuusuf Maxamed, ayaa maanta guddoomiyey shir muhiim ah oo ay isugu yimaadeen Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Koonfur Galbeed.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha shaqo ee wasaaradaha, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, iyo hubinta in adeegyada bulshada loo fuliyo si hufan, tayo leh, isla markaana waafaqsan qorshayaasha Dowladda Koonfur Galbeed.
Intii uu socday kulanka, waxaa sidoo kale si gaar ah looga hadlay u diyaar-garowga munaasabadaha xil-wareejinta wasiirrada cusub ee dhowaan la magacaabay. Waxaa la adkeeyey muhiimadda ay leedahay in xilalka loogu kala wareego si nidaamsan, loona hoggaansamo shuruucda, habraacyada iyo anshaxa dowladnimada.
Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada ayaa Agaasimayaasha Guud ku boorriyey inay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu horumarinayo howlaha wasaaradaha, isla markaana ay xaqiijiyaan isku-duwid hufan oo horseedi karta hirgelinta qorshayaasha dowladda iyo adeegyada loo hayo shacabka.
Dhankooda, Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan heerka diyaar-garowga hay’adahooda, iyagoo caddeeyey inay ka go’an tahay fulinta waajibaadka qaran iyo taageeridda geeddi-socodka xil-wareejinta wasiirrada cusub.








