Home WARARKA CAALAMKA Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, BenjaminNetanhayu oo buuq iyo orin kala kulmay Baarlamaanka Israa’iil

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, BenjaminNetanhayu oo buuq iyo orin kala kulmay Baarlamaanka Israa’iil

2
0

Arbaco 15 July 2026 {CBB} Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa buuq iyo orin kala kulmay Baarlamaankiisa oo uu doonayay in uu u jeediyo khudbad xasaasi ah.

Xubanaha Baarlamaanka ee buuqa ku sameeyay ayaa ku dooday in uu Netanyahu doonayo sii wadista dagaallada si aan loo xusuusan doorashada guud ee Israa’iil.

Qaad kamid ah Warbaahinta u janjeerta mucaaradka isla markaana doonnaysa in uu is baddel ku yimaado siyaasadda maamulkaas ayaa ku warramay in wajigabaxa uu la kulmay Netanyahu ay tahay mid uu kasbaday.

Benjamin Netanyahu ayaa Israa’iil u horseeday culays siyaas iyo mid amni, waxa uu gaarsiiyay heer kulamadooda ay ku qasboomaan dhismaha Dhulka hoostiisa ku yaalla lana joojiyo in toos loo tebiyo si aan loo beegsan.

Israa’iil ayaa bartanka ka gashay xaalad jahwareer ah kaddib markii Benjamin Netanyahu uu si cad u diiday joojinta colaadda bariga dhexe, waxa ay lumiyeen taageerrada iyo kalsoonida Maraykanka iyo waddamo badan maadaama dalalkaas aanay doonayn sii wadista colaadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here