Home WARARKA CAALAMKA Kuweyd oo wada-hadallo & iskaashi amni la furtay Pakistan, iyada oo danaynaysa...

Kuweyd oo wada-hadallo & iskaashi amni la furtay Pakistan, iyada oo danaynaysa in ay hesho difaac la mid ah midka ay Pakistan siiso Sucuudiga.

0
2

Jimco 17 July 2026 {CBB}Dowladda Kuweyd ayaa wada-hadallo & iskaashi amni la furtay Pakistan, iyada oo danaynaysa in ay hesho difaac la mid ah midka ay Pakistan siiso Sucuudi Careebiya; iyada oo ciidamada, diyaaradaha & nidaamyada difaac ee Pakistan ay ilaalin doonaan Kuweyd, sida ay daabacday wakaaladda Reuters.

Kuweyd & Baxrayn ayaa la dhibaatoonaya weerarrada Iiraan, iyada oo Pakistan ay si cad u difaacday Boqortooyada Sucuudi Careebiya.

Pakistan oo ah dalka keliya ee Islaam ah ee leh Nukliyeer ayaa hadda noqday mid ay difaac ka wada rabaan dalalka Carabta, iyada oo taas beddelkeedana ay Carabtu dhaqaale ahaan kabayaan Pakistaan

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here