Home WARARKA MAANTA Taliyaha Ciidanka XDS ayaa kulan la qaatay Taliyaha Howlgallada Dowladda UK Ee...

Taliyaha Ciidanka XDS ayaa kulan la qaatay Taliyaha Howlgallada Dowladda UK Ee Soomaaliya.

2
0

Sabtii 18 July 2026 {CBB}Taliyaha Ciidanka XDS S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la qaatay Taliyaha Howlgallada Dowladda UK Ee Soomaaliya, Colonel Andy Seddon.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada difaaca iyo howlgallada, Iyo horumarinta xiriirka milatari ee ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo UK.

Intii uu kulanku socday, Taliyaha Ciidanka XDS Gen Ibraahin Maxamed Maxamuud ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay Si Loo xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo iskaashiga dhow ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo UK.

Dhankiisa Taliyaha Howlgallada ee Dowladda UK, Colonel Andy Seddon, ayaa xaqiijiyay sida ay Dowladda UK uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay siiso Soomaaliya, si loo xoojiyo amniga, xasilloonida iyo horumarinta awoodda Ciidanka XDS.

Ugu dambeyn, Taliyaha Ciidanka XDS, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa uga mahadceliyay Dowladda UK taageerada ay garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada difaaca, howlgallada iyo dhismaha awoodda Ciidanka XDS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here