Axad 19 Luulyo 2026 {CBB}Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa kulan albaabadu u xiran yihiin la yeeshay siyaasiyiin Soomaaliyeed, isagoo intii kulanka socday jeediyay baaq ku saabsan midnimada iyo ka qeybgalka doorashooyinka.
Ruto ayaa ku boorriyay siyaasiyiinta iyo bulshada Soomaaliyeed inay ku midoobaan hal musharrax oo u tartama xilka madaxweynaha Kenya, isagoo ballan qaaday inuu taageeri doono musharraxaas marka uu dhammaado muddo xileedkiisa labaad ee madaxtinimada.
Madaxweynaha ayaa yiri: “Waxaad noqon kartaan madaxweynaha dalka; maxaad isu neceb tihiin? Weligiin ma aragteen qabiilka Kalenjin oo sidaas isu kala qaybsan?”
Sidoo kale, wuxuu dhaliilay in Soomaalidu aysan is taageerin, inkastoo ay wadaagaan diin, af iyo asal isku mid ah.
Dhanka kale, William Ruto ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay si weyn isu diiwaangeliyaan oo ay codkooda ka dhiibtaan doorashooyinka, isagoo xusay in tirada codbixiyeyaasha Soomaaliyeed ay aad uga hooseyso tirada dadka haysta kaararka aqoonsiga.
Wuxuu sheegay: “Waxaad arkaysaa magaalo ay ku nool yihiin 300,000 oo qof oo haysta kaararka aqoonsiga, balse doorashada waxaa ka qeyb gala oo keliya 30,000 oo qof.”
Hadalka Madaxweyne Ruto ayaa imanaya xilli uu ku boorrinayo bulshada Soomaaliyeed ee Kenya inay muujiyaan midnimo siyaasadeed iyo ka qeybgal xooggan oo doorashooyinka ah si ay u kordhiyaan saamayntooda siyaasadeed.







