Home WARARKA MAANTA Warbaahinta CNN oo laga reebay in ay diyaarad la raacdo Donald Trump

Warbaahinta CNN oo laga reebay in ay diyaarad la raacdo Donald Trump

1
0
SHANNON, IRELAND - SEPTEMBER 13: U.S. President Donald Trump boards Air Force One at Shannon Airport after attending the final day of the Irish Open on September 13, 2026 in Shannon, Ireland. U.S. President Donald Trump is making a two-day visit to Ireland this weekend. Today his trip focuses on attending the Amgen Irish Open golf tournament, which is being hosted at his Doonbeg golf resort. (Photo by Anna Moneymaker/Getty Images)

Sabtii, 26, Sep 2026, {CBB}Waxaa sii xooggaystay tallaabooyinka uu Maamulka Madaxweyne Donald Trump uu culayska ku saarayo Warbaahinta siyaasad ahaan kasoo horjeeda ee CNN iyada oo Aqalka Cad uu si rasmi ah u sheegay in Warbaahintaas laga reebay Safar uu maanta ku baxayo Trump.

Donald Trump oo ka qaybgalay Kalfadhiga 81aad ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka ambabaxaya Magaalada Washington D.C. isaga oo kusii jeeda Knoxville ee Gobolka Tennessee halkaas oo uu uga qaybgalayo ciyaar lagu qabanayo.

Dagaalka Siyaasadeed ee Donald Trump iyo Warbaahinta ugu afka dheer ee Maraykanka sida CNN, MS NOW iyo Politico ayaa cirka galay iyada oo Aqalka Cad uu qaaday tallaabooyin lagu hor istaagayo wadashaqayntii kala dhaxaysay Warbaahintaas.

Inta badan waxa ay Warbaahintaan soo gudbisaa wararka cagsiga ku ah howlaha shaqo ee Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ee aan qaranka taabanayn iyaga oo Bulshada usoo bandhiga khaladaadka siyaasadeed ee maamulkaas ka dhaca.

Dhowr jeer waxa uu Trump oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta oo su’aallo kulul la weydiiyay uu aflagaadeeyay Warbaahintaas isaga oo ku tilmaamay kuwo fashilmay oo aan laga doonayn Aqalka ugu muhiimsan ee Dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here