Sabtii, 26, Sep 2026, {CBB}Ciidanka Badda ee Maamulka Puntland PMPF oo kaashanaya Maleeshiyo beeleed u dhashay Beesha Al-Shaghaniba ee Dalka Ciraaq ayaa si wadajir ah u fuliyay howlgalkii ay kusoo furteen Markabka MTT-SIBU1 oo in ka badan Bil u afduubnaa Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah.
Markabkaan oo siday Saliid waxaa howlgalka lagu soo furtay isla markaana lagu soo qabtay Kooxihii gacanta ku hayay oo hadda Maxaabiis ah uu qaatay howlgalkaas in ka badan 5 saac sida ay tabisay qaar kamid ah Warbaahinta oo soo xigay ilo la socday howlgalka.
Ciidanka PMPF ee Maamulka Puntland iyo Maleeshiyo beeleedka u dhashay Ciraaq ayaa adeegsaday Hub kala duwan sida Qoryaha Siliska leh ee PKM, AK47 & kuwo kale si looga hortago dhibaato soo gaartay Markabka iyo Dadkii la socday.
Maleeshiyo beeleedka howlgalka ka qayb gashay waxa uu deegaankoodu yahay Basra iyo nawaaxigeeda, waxaana la sheegay in howlgalkaan kahor inta aan la fulin laga talo geliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya sida xogaha la helay ay muujinayan.
Maleeshiyadaas ayaa ku heeb ah Ninka Markabka iska leh waana tan keentay in ay qayb ka qaataan soo furashadiisa iyaga oo dagaal saacado qaatay kaddib ku guullaystay in ay gacanta Burcad Badeeda kasoo bixiyaan Markabka MTT-SIBU1
Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa dhintay oo kamid ahaa kooxaha burcad badeeda, shan kale waa ay dhaawacmeen oo midkood uu yahay ciidanka PMPF ee Puntland halka gacanta lagu soo dhigay 14 kamid ah Kooxihii afduubka ku haysatay Markabkaan.
Howlgalkaan waxa uu imaanayaa iyada oo dhowaan sidaan oo kale Kooxaha Burcad Badeedda Soomaaliya si awood ah looga soo furtay Markab Qalab ciidan u waday Turkiga, waxaa howlgalkaas si wadajir ah u fuliyay Ciidanka Dowladda iyo kuwo Turki ah.







