Home WARARKA MAANTA Soomaali laga soo tarxiilay Maraykanka oo Muqdisho la keenay

Soomaali laga soo tarxiilay Maraykanka oo Muqdisho la keenay

2
0

Sabtii, 26, Sep 2026, {CBB}8 qof oo Soomaali ah oo Maraykanka laga soo tarxiilay ayaa laga soo dejiyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kuwaas oo markii laga soo qaaday Maraykanka la geeyay Xabsiga Guantanamo Bay ee Dalka Cuba.

Dadkaan waxaa soo qabtay Ciidanka Kastamka Maraykanka ee ICE waxaana ugu dambayn la dhigay Xabsi oo markii dambi laga soo qaaday, waxaa muddo kooban lagu hayay Saldhig Maraykanka uu ku leeyahay Cuba.

Aadan Cabdullaahi oo 31 jir ah ayaa kamid ah Dadkaas waxaana Waraysi uu siiyay Warbaahinta MPR News uu ku sheegay in laga soo qabtay Minnesota sannadkii hore isaga oo kamid ahaa Dadkii tagay Dalkaas sannadkii 2023.

Waxa uu sheegay in uu dhibaato niyadeed uu la kulmay intii uu ku jiray Xabsiyada Maraykanka iyo Cuba isaga oo shaaciyay in ay geeriyootay Hooyadiisa sidoo kalena waqti kooban loo ogolaaday in uu la hadlo ehelkiisa sida uu hadalka u dhigay.

Ciidanka ICE ayaa gacanta ku dhigay ku dhawaad hal Bilyan oo qof oo doodo dhinaca sharciga ah ku taagnaa kuwaas oo intooda badan dib ugu celiyay Dalalkooda halka qaar kale uu geeyay waddamo uu la galay heshiis la xiriira qaabilidda Dadkaas.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa waqtigii ololaha doorashadii uu ku guullaystay 2024 waxa uu ballanqaaday in uu xoogga saarayo masaafurinta Soogalootiga Dalkiisa kasoo galay iyaga oo gidaarka xuduudda ah kasoo tallaabay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here