Axad , 27, Sep 2026, {CBB}Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka digay in amniga magaalada Muqdisho loo adeegsado dano siyaasadeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa siyaasiyiinta ugu baaqay in aysan ka shaqeyn amni-darro iyo falal wax u dhimaya xasilloonida caasimadda, isagoo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo amniga iyo nabadgelyada shacabka.
Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale sheegay in arrimaha amniga aan loo adeegsan karin loollan siyaasadeed, isagoo dhinacyada siyaasadda ugu baaqay inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo keeni karta qalqal amni.
“Cid kasta oo Fowdo wada oo amni darro wada oo uu ka shekeenayay Wasiir Fiqi shacabka Waa diideen Bananbaxyadii Doorasho qof iyo cod ah ayay u badaleen”R/wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.







