Arbaco 30 Sep 2026 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo safar ku maraya dalalka gobolka ayaa maanta gaarey dalka Jabuuti, isagoo kulan gaar ah la yeeshay dhigiisa dalkaasi, Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha khuseeya nabadda, xasilloonida iyo amniga Geeska Afrika.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in socdaalkan uu qeyb ka yahay qorshaha dowladda ee lagu xoojinayo xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dalalka gobolka Geeska Afrika.
“Booqashadan ayaa qayb ka ah safarrada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya ay la leedahay dalalka deriska ah, iyada oo mudnaan gaar ah la siinayo danaha dalkeenna iyo xasilloonida gobolka” ayaa lagu yiri Bayaanka Villa Somalia







