Talaado 20 Oct 2026 {CBB}Dalka Nigeria oo ka mid ah Dalalka dhibaatooyinka Amni darro ay ka dhacaan, waxaa muddooyinkii dambe soo kordhayay qorshe ay Dowladdaas kula dagaalamayso garaadka macmalka ah ee AI oo dadka qaar u adeegsadaan si khatar ku ah nabadgalyada.
Dowladda Nigeria waxa ay xustay in ay diyaar u tahay wax ka qabashada sawirrada meelaha qaar laga gudbiyo iyada oo laga dhigayo kuwo burbursan ama ay ka dhaceen qaraxyo si culays loo saaro nabadgalyada sida hadalka loo dhigay.
Nigeria ayaa xustay in ay diiradda saarayso xogaha la xiriira Amniga dhijitaalka ah iyo sida Bulshooyinka & Hay’adaha ay ugu diyaar garoobi karaan khatarahaas cusub si looga hortago faafinta macluumaadkaas khaldan.
Rabshadaha ka dhaca Dalka Nigeria ayaa galaaftay nolosha Dad badan halka kuwo kale la afduubtay, waxaana dhanka kale socda howlgallo looga hortagayo falalkaas waxaana hadda kusoo kordhay Aaladda Garaadka Macmalka ah ee AI







