Home WARARKA MAANTA El Salvador oo Cudurka Ebola dartiis xayiraad safar u saartay 8 Dal...

El Salvador oo Cudurka Ebola dartiis xayiraad safar u saartay 8 Dal oo Afrikaan ah

1
0

Arbaco 21 Oct 2026 {CBB}Dalka El Salvador ayaa xayiraad Safar kusoo rogay Muwaadiniinta Siddeed Dal oo Afrika ah kuwaas oo sababtay cudurka Ebola oo qaar kamid ah Dalalkaas laga helay kiisaska dad uu ku dhacay sida sheegay bayaan kasoo baxay Dalkaas.

Kenya, Angola, Jamhuuriyadda Afrika Dhexe, Jamhuriyadda Dimuqraadiga Conga, Itoobiya, Rwanda & Uganda ayaa la shaaciyay in muddo aan la shaacin in muwaadiniintooda looga joojiyay u safarka Dalka El Salvador ee dhaca Bartamaha Ameerika.

El Salvador ayaa tilmaamay in xayiraaddaan ay saamaynayso cid weliba oo uga soo safraysa siddeedaas dal iyo kuwa aan u dhalan xitaa ee soo mara, waxaana Xukuumadda San Salvador ay tallaabadaas ku sifaysay in ay uga hortagayso Cudurka Ebola.

Suxufiga lagu magacaabo Larry Madowo oo u dhashay Kenya kana howlgalla CNN ayaa loo diiday codsi uu ku doonayay in uu ku galo El Salvador sida uu halkaas uga soo qabto shaqooyin uu u socday sida uu ku sheegay sheeko uu arrintaas kasoo gudbiyay.

Kiisas ku dhow 10 oo ah Cudurka Ebola ayaa laga helay Dalka Kenya iyada oo Xukuumadda Nairobi ay qaadday tallaabooyin lagu adkaynayo dhinaca dhaqdhaqaaqa dadka looga shakisan yahay in ay u dhawaadeen ama la tacaamuleen dadkaas laga helay cudurkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here