Arbaco 21 Oct 2026 {CBB}Jowhar – Waxaa maanta xarunta Golaha Wakiillada Hirshabelle ee magaalada Jowhar lagu qabtay munaasabadda dhaarinta Xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiillada Hirshabelle.
Munaasabadda dhaarinta waxaa ka qeyb galay Guddiga Doorashooyinka Qaranka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Hirshabelle, Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, odayaasha dhaqanka, maamulka gobolka iyo degmada, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Dhaarinta kaddib, Xildhibaannada cusub ayaa Xildhibaan Ismaaciil Maxamed Xasan Nuur u doortay Guddoomiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Golaha Wakiillada Hirshabelle, maadaama uu yahay xubinta ugu da’da weyn Golaha.
Doorashada Guddoomiyaha Ku-meel-gaarka ah ayaa timid kaddib dhaarinta Xildhibaannada cusub, iyadoo Golaha uu guda geli doono hawlaha la xiriira dhismaha hoggaankiisa iyo gudashada waajibaadka dastuuriga ah.








