Khamiis 22 Oct 2026 {CBB}Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta Liibaan Axmed Xasan u doortay hoggaamiyaha maamulka Galmudug ee shanta sano ee soo socota, kaddib doorasho ka dhacday xarunta Golaha Wakiillada.
Liibaan Axmed Xasan ayaa ku guuleystay doorashada kaddib markii uu helay 72 cod, halka musharraxii la tartamayay, Cabdulqaadir Cabdullaahi Diiriye, uu helay 14 cod. Saddex cod ayaa xumaaday, sida uu natiijada ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, Xuseen Maxamed Nuur.
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo marti sharaf kale ayaa goobjoog ka ah doorashada.
Waxaa sidoo kale hadda socota codeynta hoggaamiye ku-xigeenka Galmudug, waxaana xilkaas ku tartamaya Cabdiweli Garyare iyo Cabdisataar Geelle.







