Axad 25 Oct 2026 {CBB}Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in haddii heshiis laga gaaro colaadda Bariga aanay dib usoo noqon Karin marinkii iska furnaa ee Hormuz iyada oo mas’uuliyad weyn ay iska saarayso Xukuumadda Tehran sidii ay u maamulahayd marinkaas.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Araghchi oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in Dowladdiisa uu waajib ka saaran yahay dhinaca ugu muhiimsan ee Marinka Hormuz in uu la socdo Maraakiibta ka gudbaysa si loola socdo dhaqdhaqaaqooda.
Abbas Araghchi ayaa shaaciyay in Dowladdiisa ay difaac nafeed ka samaysay xaaladda amni darro ee dalalka is biirsaday ay ka abuureen Ciidda, Biyaha iyo Hawada Dalkiisa iyagana ay jawaab cad ka bixiyeen arrintaasi sida uu yiri.
“Ma dhacayso in Marinka Hormuz uu dib ugu soo noqdo sidii uu ahaa kahor dagaalka xitaa haddii heshiis la gaaro innaga ayaa maamulayno” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Aragchi
Maraykanka ayaa ku dooday in haddii Iiraan ay diiddo heshiis aan ku jirin shuruud la xiriirta marinka hormuz in uu weerari doonno, Tehran ayaa qudheeda ku goodisay in ay bixin doonto jawaab ka ballaaran weerarkii lagu soo qaado.







