Taalado 27 Oct 2026 {CBB}Baydhabo: Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Issack Maxamed Issack (Korsaar), ayaa mar kale shacabka magaalada Baydhabo u xaqiijiyey in dowladda iyo ciidamada amnigu ay ka go’an tahay sugidda amniga iyo ka hortagga falalka amni-darro ee kooxda Al-Shabaab.
Wasiirka ayaa sheegay in aan kooxda Khawaarijta Al-Shabaab loo oggolaan doonin inay dib uga dagaallanto magaalada Baydhabo, isaga oo xusay in dowladda iyo ciidamada ammaanku ay si buuxda ugu howlan yihiin ilaalinta shacabka iyo xaqiijinta nabadgelyada magaalada.
Mudane Issack Maxamed Issack (Korsaar) ayaa sidoo kale adkeeyey in Wasaaradda Amniga iyo hay’adaha kale ee ammaanku ay sii wadi doonaan dadaallada lagu xoojinayo amniga, laguna ilaalinayo shacabka iyo hantidooda.
Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka magaalada Baydhabo inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, kana qeyb qaataan ilaalinta nabadda iyo xasilloonida, isagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta dowladda iyo bulshada.
Wasaaradda Amniga Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka go’an xoojinta amniga, ilaalinta shacabka iyo xaqiijinta nabadgelyo waarta oo ka hirgasha guud ahaan deegaanada maamulka.







