Home WARARKA MAANTA Dowladda Suudaan oo Maamulka Puntland ku eedeysay in uu qayb ka yahay...

Dowladda Suudaan oo Maamulka Puntland ku eedeysay in uu qayb ka yahay colaadda ka jirta Dalkeeda

2
0

Isiin 2 Nev 2026 {CBB}Saraakiil ciidan oo katirsan Dowladda Suudaan ayaa Maamulka Puntland ee Soomaaliya ku eedeeyay in uu qayb ka yahay colaadda dalkaas ka taagan isaga oo garab istaagay Kooxda RSF ee garabka ka hesha Isutagga Imaaraatka Carabta oo xiriir wanaagsan kala dhaxeeya maamulkaas.

Bumili ng Globo

Jeneraal Yaasir Al-Cataa, oo ah ku xigeenka taliyaha guud ee ciidanka Suudaan oo la hadlay qaar kamid ah ciidamada dalkiisa ayaa eedeyntaan kahor sheegay isaga oo ugu baaqay ciidamadooda inay wax ka qabtaan faragalinta shisheeye ee dalkooda lagu hayon.

Yaasir ayaa intaasi ku daray dhacdooyinka aan la mahdin ee Daarfuue iyo Kordofaan lagula xisaabtamayo dhinacyada shisheeye sida Dowlad Goboleedka Puntland oo kooxo Caloosh u shaqaystayaal ah uga qayb qaadatay halka garoonka diyaaradaha Boosaaso uu noqday marin fududeeyay Duullaankaas waa sida hadalka loo dhigay.

Qaramada Midoobay gaar ahaan guddiga xuquuqul insaarta ayaa horraantii September 2026 waxa uu Warbixin uu kasoo saaray xaaladda Suudaan ku sheegay in hub ka yimid Imaaraatka la mariyay Boosaaso oo Puntland ah iyo Berbera oo maamulka Waqooyi Galbeed halkaas oo Imaaraatku uu ku leeyahay saaxiibo siyaasaseed.

Maamulka Siciid Deni ayaa xiriir wanaagsan la leh Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabka oo sidoo kale kaalin weyn ku leh faragelinta iyo colaadaha aan dhammaadka lahayn ee ka jira Dalal ay kamid tahay Suudaan maadaama Kooxda Gurmadla Degdega ah ee RSF ay isku xiran isla markaana ka taageerto Hubka iyo dhaqaalaha sida hadalka loo dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here