Home WARARKA CAALAMKA Dowladda Suuriya oo qorsheynaysa in ay dib u furato safaaraddeedii Muqdisho

Dowladda Suuriya oo qorsheynaysa in ay dib u furato safaaraddeedii Muqdisho

2
0

Khamiis 12 Nov 2026 {CBB}Safiirka Soomaaliya ee Suuriya, Abiib Muuse Faarax ayaa magaalada Dimishiq kula kulmay La-taliyaha Arrimaha Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurba-joogta Suuriya, Maxamed Taha Al-Axmed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dib u furida Safaaradda ay Muqdisho ku laheyd dowladda Suuriya, si loo fududeeyo isku socodka labada dal.

Safiirka Soomaaliya ee Suuriya ayaa xusay in dowladda fududeyn doonto haddii Suuriya u soo diyaar garowdo furitaan Safaaradeeda Soomaaliya.

Sidoo kale, labada mas’uul ayaa ka wada hadlay qaxootiga labada dal ku kala nool iyo sidii loogu fududeyn lahaa Socdaalkooda.

Safaaradda Suuriya ee Muqdisho la xiray sannadkii 1991-kii, kaddib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here