Axad 15 Nov 2026 {CBB}Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, ayaa kulan la yeeshay maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Kulanka oo ay Wasiirka ku wehelinayeen Agaasimaha Waaxda Isku-xirka Gobollada iyo Isku-duwaha Caafimaadka Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda guud ee isbitaalka, caqabadaha shaqo iyo baahiyaha jira, iyo sidii loo horumarin lahaa adeegyada caafimaad ee bulshada loo fidiyo.
Maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka ayaa Wasiirka la wadaagay warbixinno ku saabsan habsami u socodka adeegyada caafimaadka, xaaladda shaqaalaha iyo caqabadaha saameeya shaqada isbitaalka.
Wasiirka Caafimaadka ayaa dhankiisa adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta maamulka iyo shaqaalaha, horumarinta adeegyada caafimaadka iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha jira.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed ee lagu xoojinayo kormeerka iyo dabagalka xarumaha caafimaadka, si loo xaqiijiyo tayada iyo joogtaynta adeegyada caafimaad ee bulshada.








