Home WARARKA MAANTA MW Xasan Sheekh “Ma dhacayso in talada Dalka la geeyo Dibadda aniga...

MW Xasan Sheekh “Ma dhacayso in talada Dalka la geeyo Dibadda aniga oo labo jeer la igu dhex doortay”

3
0

Axad 22  Nov 2026 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aanay suuragal noqon karin in talada Dalka lala aado dibadda isaga oo intaas ku daray in wixii wadahadal ah ay ka dhici karaan gudaha waddanka oo keliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aanay sahlanayn in wadahadalka looga hadlayo masiirka Dalka la geeyo Dal kale isaga oo labo jeer dhexdiisa lagu doortay waa sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha Soomaaliya.

“Ma dhacayso in talada Dalka la geeyo Dibadda aniga oo labo jeer la igu dhex doortay, wixii wadahadal ah waxa ay ka dhacayaan Dalka gudihiisa” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhan kale waxa uu markale xoojiyay gogosha wadahadalka isaga oo xubnaha mucaaradka ah ee diidan tagista gogoshaas usoo jeediyay inay xitaa dhigtaan gogol ayna diyaar u tahay Dowladda Federaalka inay ugu tagto meel weliba oo Dalka gudihiisa ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here