Sabtii 28 Nov 2026 {CBB}Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfurtay Madasha Dabagalka Horumarka Tallaabooyinka Ka-hortagga Aafooyinka, oo ah madal muhiim u ah xoojinta iskaashiga, isku-duwidda iyo dabagalka dadaallada lagu yareynayo khataraha ka dhasha abaaraha iyo fatahaadaha.
Munaasabadda xarrigjarka nidaamkaan oo ah nidaam dijitaal ah oo lagu dabagalayo horumarka iyo Ka-hortagga Aafooyinka, kaas oo gacan ka geysanaya yareynta khasaaraha naf iyo maal ee ka dhasha abaaraha iyo fatahaadaha.
Munaasanadda waxaa ka qeyb galay Madax ka tirsan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), xubno ka socda Hay’adaha dowladda ee bahwadaag la ah Hay’adda SoDMA, iyo Wakiillo ka socda hay’adaha Soomaaliya ka teegeera arrimaha gargaarka.
Agaasimaha Waaxda Maareynta Khataraha Musiibooyinka ee SoDMA, Mudane Khadar Sheekh Maxamed Nuur ayaa si rasmi ah u daahfuray Madasha, isaga ku soo bandhigay madasha warbixin kooban oo ka hadlaysa nidaamkaan cusub.
Wakiillo ka kala socday Hay’adaha Star Network iyo WFP oo madasha ka jeediyay hadaljeedinno ayaa ka hadlay muhiimadda nidaamkaan cusub ay daahfurtay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA)
Nidaamkan oo ah mid dijitaalka ah oo lagu mideynayo laguna dabagalayo horumarka tallaabooyinka ka-hortagga aafooyinka (Anticipatory Action), ayaa fududeynaya ururinta xogta, is-weydaarsiga macluumaadka, isku-duwidda howlaha iyo qiimeynta waxqabadka dowladda iyo hay’adaha bahwadaagta ah.







