Home WARARKA MAANTA Dowladda soomaaliya oo dadaal ugu jirta samatabixinta muwaadiniin ku xaniban dalka Panama

Dowladda soomaaliya oo dadaal ugu jirta samatabixinta muwaadiniin ku xaniban dalka Panama

11
0

Jimco 04, April-2025 {CBB} Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay muwadiniin Soomaali ah oo laga soo tarxiilay dalka Mareykanka kuna xanniban dalka Panama, waxaana ay cadeeysay in arintoodi ay kor kala socdaan.

“Illaa hadda xogtaan hayno waxaa waaye, in Panama ay hadda ku suganyahiin dad Soomaali ah oo lagasoo tarxiilay Maraykanka,” ayuu BBC da u sheegay Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Diinaari oo ah la taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya illaa iyo haddeer ma ogga tirada saxda ah ee la keenay Panama, sida uu shaaca ka qaada la taliye Diinaari oo horay u hogaamiyay howlgallo ay wasaaradda arimaha dibaddu dib ugu soo celisay dalka Soomaali muhaajiriin ahayd oo ku sugnaa wadamo kala duwan.

“Dadkaas illaa hadda lambarkooda sax ah ma hayno, laakiin waa naloogu maqanyahay macluumaadkooda” ayuu yidhi Diinaari oo ka warbixinayay Xaaladda Soomaalidaas Panama ku xanniban.

Si xal loogu helo arrinta Soomaalida muhaajiriinta ee la keenay Panama waxa uu sheegay Diinaari in tallaabada ugu horeysa ee ay ugu baaqayaan dadkaas in ay tahay in ay xiriir la sameeyaan safaaradda Soomaaliya ee ku taala caasimadda Havana ee dalka Cuba.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Dowladiisu waxa ay bilowday qorshaheeda masaafurinta dadkii siyaabaha kala duwanaa ee aan sharciga ahayn ku galay dalkaasi arrinkaas oo uu madaxweynaha amaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here