Axad, Abriil 06, 2025;{CBB} War saxaafadeed ayaa laga soo saaray kulan ay wada yeesheen Madaxda Dowladdaha Soomaaliya iyo Uganda oo ka dhacay magaalada Kampala ee xarunta dalkaasi Uganda oo booqasho hal maalin ah shalay uu ku tagay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Uganda Yoweri Museveni, waxaana ay wada qaateen wada-hadallo miro-dhal ah oo quseeyay ammaanka iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika.
Labada Madaxwayne ayaa ka wada-hadlay xaaladda amniga ee gobolka iyaga oo hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo ilaalinta xasilloonida iyo amniga gobolka geeska Afrika.
Sidoo kale waxyaabihii diirada ay saareen kana soobaxay kulankooda waxaa kamid ahaa in Labada Madaxwayne ay si wadajir ah u soo dhaweeyeen billaabashada hawlgalka cusub ee AUSSOM.
Labada Madaxwayne ayaa adkeeyay dardargalinta taageerada caalamiga ee ku aaddan dhaqangalinta Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya iyo kobcinta awoodda Ciidamada Xoogga Dalka.
Madaxda Soomaaliya iyo Uganda ayaa sidoo kale is-dultaagay is-afgaradkii iskaashiga difaaca ee ay labada dal kala saxiixdeen, iyaga oo faray hay’adaha ku shaqada leh in ay dardargaliyaan dhaqangalintiisa.
Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay dhiggiisa Uganda soo dhawaynta diirran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa, isaga oo casuumaad rasmi ah oo uu ku imaanayo magaalada Muqdishu u fidiyay Madaxwayne Museveni.
Dhankiisa, Madaxwane Yoweri Museveni ayaa Madaxwayne Xasan Sheekh uga mahad celiyay booqashadiisa, isaga oo dhanka kale aqbalay casuumaadda rasmiga ah ee uu ku imaanayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdishu muddada soo aaddan.