Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Ra’iisul wasaare Xamse “SSC Khaatumo waa maamul kamid ah Dowladda Federaalka”

Sawiro;-Ra’iisul wasaare Xamse “SSC Khaatumo waa maamul kamid ah Dowladda Federaalka”

5
0

Isniin 14, April 2025 {CBB}Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Xamsa Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyey munaasabad ballaaran oo lagu qabtay  magaalada Laascaanood, ayaa ku dhawaaqay in SSC Khaatumo yahay maamul kamid ah Dowladda Federaalka.

Munaasabadda oo ay ka qeyb-galeen madaxda heerarka kala duwan, isimmo dhaqameed iyo kumanyaal shacabka deegaanka ah, ayaa loogu magac-daray “Habeenka Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Bulshada SSC–Khaatumo.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maamulka SSC–Khaatumo uu ku yimid rabitaanka shacabka deegaanka, isagoo carabka ku adkeeyay in dowladda Federaalka ay tixgelin doonto xuquuqda dadka deegaanka, si la mid ah sida ay u tixgeliso maamul-goboleedyada kale ee dalka.

“Waxaan cod dheer ku sheegayaa in SSC–Khaatumo tahay maamul ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, mana ahan meel lagu muransan yahay,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa, isagoo si cad u muujiyay mowqifka dowladda ee ku aaddan maamulka cusub.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in SSC–Khaatumo ay tahay bulsho matalaysa rabitaanka dadkooda, loona baahan yahay in maamulka cusub laga saaro ku-meel-gaarnimada si uu u helo hannaan rasmi ah oo dastuuri ah.

“Waxaa farxad ii ah inaan maanta idinla joogo, anigoo arkaya sida aad uga go’an tahay ilaalinta midnimada dalka iyo calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waa fursad taariikhi ah in calanka buluugga ah uu ka babanayo qaybo badan oo ka mid ah gobollada waqooyi,” ayuu yiri Xamse.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale dhageystay hadallo iyo talooyin kala duwan oo ay jeediyeen madaxda deegaanka, isimada dhaqanka iyo bulshada rayidka ah, kuwaasoo dhammaantood ku saleysnaa muhiimadda midnimada, wadajirka iyo xasiloonida Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here