Arbaco 23, April 2025 {CBB}Kulan lagu Ansixinaayey Habraaca Xalinta khilaafaadka dhulalka Dowladda Hoose ee degmada Baydhabo oo lagu qabtey magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Wsiirada Wasaaradaha Qorshaynta ,Cadaalada iyo Howlaha guud ayaa manta ka qebgaley Shirka ansixinta habraaca xalinta khilaafaadka Dhulalka ee gudiga dhulalka degmada Baydhabo.
Wasiir ku-xigeenka Wasarada arimaha Gudaha gudoomiyaha gobalka Baay kan degmada Baydhabo iyo agaasimaha wasaarada beeraha ayaa sidoo kale ka qeybgaley shirkaan.
Habraacan xalinta khilaafaad dhulalka degmada ayaa ah habraac ay isticmaali doonan gudiga dhulka degmada Baydhabo si loo kordhiyo Xalinta khilaafaadka ka dhasha is qabqabsiga dhulalka degmada Baydhabo
Habraacaan ayaa waxaa soo diyaarisaay Dowladda hoose ee degmada Baydhabo gaar ahaan waaxada dhulka oo taagyeero ka heleysey Heyada UN-HABITAT








