Taliska Ciidanka xoogga Dalka ayaa xalay magaalada Muqdisho ku qabtay munaasabad lagu sagootinayay taliyahii hore ee howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM) Gen, Fulvio Poli, kaas oo dhawaan xilkii uu hayay ka idlaaday.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa u mahadceliyay Gen, Fulvio Poli, waxuuna ku amaanay xil gudashadiisa muddadii uu ku sugnaa gudaha Soomaaliya, waxuuna u rajeeyay mustaqbal wannaagsan.
Taliyaha cusub ee howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya waxaa dhawaan loo soo magacaabay Giuseppe Zizzari, taliyahan ayaana xilka kala wareegay Gen, Fulvio oo sagootiin qiima sara leh loogu sameeyay Magaalada Muqdisho.
Saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, Turkiga, Mareykanka iyo Howlgalka nabbad ilaalinta ee ATMIS ayaana goobjoog ahaa munaasabadda sagootinta taliyahii hore ee howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya.