Home WARARKA MAANTA Denmark oo AUSSOM u ballanqqaday in ay ku garabsiinayso Howlgalkooda Soomaaliya

Denmark oo AUSSOM u ballanqqaday in ay ku garabsiinayso Howlgalkooda Soomaaliya

2
0

Talaado 24 Nov 2026 {CBB}Danjiraha Denmark ee Soomaaliya, Steen Andersom ayaa Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM u ballanqaaday inay garan taagan tahay Dowladdiisa kaddib markii uu la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ahna madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene.

Labadaan mas’uul ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la garab istaago howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya oo lagu wado in sannadka soo socda 2027 lasoo gabagabeeyo maadaama dhaqaalaha ku baxa uu waqtigaas ku siman yahay.

Madaxa AUSSOM ayaa kulamo gudaha ah iyo kuwo dibadda ah bishaan la qaatay madax kala duwan oo uu kala hadlay sidii ay u kordhin lahaayeen taageerada uu u baahan yahay howlgalkooda Soomaaliya ee sannadka soo socda 20 jirsanaya.

Denmark waxa ay kamid tahay Dalalka Yurub ee taageera howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, wakiilkeeda Muqdisho waxa uu marar kala duwan ka qaybgalay kulamo lagu gorfeynayay mustaqbalka Ciidankaan ka kala socda Dalalka lala duwan ee Afrikaanka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here